31 okt. 2012

daawo goolasha:aqrina falaqeynta kulanka adag ee caawo la sugu la'yahay.

kullan adag oo katirsan koobka Capital One Cup ayaa caawa dhex maridoona Chelsea iyo Manchester United.
Kullankan ayaa waxoo kadhici donaa garoonka ay ku ciyaarto kooxda London ka dhisan ee Stamford Bridge.
Tii oo weli ay dhagaha tageerayaasha Chelsea ay ka dhex qeylineeso guul daradi kasoo gaartay kooxda Manchester united isla garoonka Stamford Bridge kullan ka tirsanaay premier league.

kullankaas oo Chelsea ay laba rooso laga kala siiyay ciyaatoyda kala ah Ivanovic iyo F.Torres ciyaartaas ayaa ku dhamaday 2-3 oo ay kooxda red devils ku badisay.

kullankan caawo aya laga cabsi qaba inuu noqdo kullan is naceyb iyo dagaal ah madaama ciyaartoyda iyo tageerayaasha Chelsea oo garoonkooda lagu ciyaaraayo tirsanayaan in kullanki laga badshay mid xaqdaro ah
Xaq darana  lagu la kacay ciyaartoydooda iyadoo taas usii dheertahay iyadoo albiitariihi ciyaarta haayey lagu edeeyey inuu cunsirinimo kula kacay laba ciyaartoy oo Chelsea ka tirsanaay.

21 okt. 2012

AC milan oo xaalada ku xuntahay kadib guuldaro Lazio kala soo kulantay.

Kooxda Ac milan ayaa xalay marti u aheyd kooxda caasimada kadhisan kuna dheeshan garoonka Stadio Olompio.

Kooxda Lazio ayaa ciyaarta si wanaagsan ku bilaawday iyadoo daqiiqadi labaatanaad kubad kontro atack ahayd shabaqa ugu hubsaday Hernanes.

 Waxayna furitaan u aheyd goolal is xig xiga waxana qeybti hore dhamaadkeedi goolki labaad shabaqa uguna hubsaday Cardeva.
Lazio vs Ac milan

Waxana qeybti hore lagu kala nastay 2-0 oo Lazio ku hogaaminesay. isla bilawgi qebti labaad goolki 3-0 Lazio shabaqa ugu hubsaday Mirsov Klose.

Waxaana Ac milan badal kusoo galiyeen Pato kasoo kasaa ciday inee weerar culus ku qadaan goolka Lazio iyagoo soo guday laba gool waxana u kala dhaliyay De jong iyo El shawary lkn midaas kuma filnaan si dhibac oga helaan garoon Stadio Olompio.

 Ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 3-2 oo Lazio guusha ku raacday.

Waxaana Ac milan hada kala horeyta oga jirtaa kaalinta 11 intaasna hoos waa ay oga sii dhici kartaa madaama maanta ciyaaro kale jiraan.


20 okt. 2012

Maanta yaa badiyey horyaalka premier league yaase laga badiyey.

Kulanka ugu horeeyay uguna adka ayaa maanta dhexmaray kooxaha chelsea vs Tottenham.
Kulankan oo marti lo aha kooxda kadhisan waqooyiga london ee ku ciyaarta garoonka White hart lane.

Ciyaarta ayaa dar dar aad u badan ku bilaabatay uyo qeyti hore ee ciyaarta kooxda martida aheyd ee maa mushay waxeena taas usashahay inee hogaanka ku qabtaan gool quruxbadan oo Gary Cahaill udhaliyey kasoo aha gool oo Gallas u isku taagay kadib koorno usiqalada u tees teeyay.

Waxaana kaambiyadi danbe garoonka dar dar saaida garoonka lasoo galay kooxda martida loo ahay iyo isla daqiiqadi kobaadba gool shabaqa ugu hubsaday kabtankooda Gallas.
Waxeena taas niyada usii dhistay Tottenham ee dhamaan ciyaarta kontrolkeeda lawareegtay iyagoona markaas kadib goolki labaad shabaqa ugu hubsaday weerar yahankooda Dafoe.

Intaas kadib waxee Tottenham ku aruurtay difaac iyadoo taas Chelsea ka saaciday inee weerar culus kuqadaan kooxda Tottenham waxeena taas sahashay inuu goolka bareejada shabaqa ugu hubsado Mata isagoona markale kooxda martida aheyd goolkiisa labaad hogaanka ugu dhiibay waxana goolka ugu danbeyay shabaqa kuhubsaday Daniel Staridge. Waxana ciyaarta kusoo idlaatay 2-4 ey guusha kuraacday Chelsea.          Halkan kafiirso goolasha ciyaarta.
      http://footyroom.com/tottenham-hotspur-2-4-chelsea-2012-10/


Ciyaaraha kale waxa lookala badiyey sida soo socta 

West brom vs Mancity 1-2
Liverpool vs Reading 1-0
Man utd vs Stoke city 4-2
Norwich vs Arsenal 1-0

19 okt. 2012

kooxda Elman fc oo xaqiijisatay ku guuleeshashada horyaalka dalkeena

kooxda Elman ayaa udaal degtay ku guuleesha shada horyaalka 36:aad ee wadan keena.


guusha ayaa waxay timid kadib kulan adag oo galabnimadii maanta dhex maray kooxda ciidamada boliska ee Horseed iyo kooxda Elman.
kulan kan oo aha mid aad u adag ayaa waxa kasoo qeyb galay tagerayaal oo garoonka jaamacadaha oo ciyaarta ka dhacey say soo camiray tageraal aad ubadan oo labada koox tageero ukala aha.Haye shee ciyaarta aya dar dar ku bilaabatay iyadoo labada koox ay so bandhigeen ciyaar aad u heer sareeso, balse waxa weybti hore ee ciyaarta ayaa la isku mari wayey eber iyo eber.


Lakiinse waxee wax kasta is badaleen weybti danbee ciyaarta markaas oo ciyaarta gabi ahaan ma mulideeda kooxda Elman la wareegtay lkn gool aya waxoo yimid labatan daqiiqo marki qeyti danbe ee ciyaarta socotay   goolka oo aad uqu rux badan oo na aha laad xora ayaa noqday goolki gushaa ciyaarta iyo horyaalka.
Waxana Elman fc la hoyatay horyaalki 36:aad ee wadankeena.
                                         


                    
            fiirso goolki Elman horyaalka ku qaaday.

6 okt. 2012

Chelsea ayaa 4-1 ku martay kooxda Norwich

Kooxda ka dhisan magaalada London ayaa waxa marti loogu ahaay garoonkeeda Stamford Bridge.
Kooxda martida aheed ee Norwich ayaa weli xilli ciyaareedkan weli badin. Iyadoona kooxda Chelseana weli laga badin iyadoona hogaamineeso horyaalka sidaasoo tahay ayaa kooxda martida ahayd hogaanka uqabatay hal iyo eber daqiiqadii tobanaad waxa goolkaas usaxiixay weerar yahankooda Holt.
Waxaana intaas kadib ciyaarta la wareegay kooxda gurigeeda ku ciyaaresay 
Chelsea vs Norwich

Waxaana afar daqiiqo kadib ubareejeyay F.Torres waxana goolasha usii kala dhaliyey Lampard,Hazard iyo Ivanovic. Chelsea ayaana hogaanka u heyso horyaalka iyinkoo leh 19 dhibcood tododbo jeer oo ay ciyaaren 
ayinkoona weli laga badin.      http://vimeo.com/28302883 
Ciyaaraha kalana oo katirsan horyaalka England 
        Wigan vs Everton 2-2                 Swansea vs Reading 2-2                 West bromwich vs QPR 3-2

Maalinta berita ah oo ay jiraan kulamda kubada cagta ugu adag.


El clasico Real madrid vs Barcelona.

maalinta axad ah waxa jiro kulamo aad u culus,tusaale ahaan waxa jrio milan derby waxa kaloo jiro kulan dhex mari doona labada koox ee faransiiska ugu xifaaltakanka badan ee PSG iyo Marsaile, balse waxa kalo jiro kulanka calaamka iyo kubada cagta ugu adag kasoo dhex maridoono labda koxood ee calaamka ugu xifaaatanka badan Barcelona iyo Real Madrid. Kulankaan ayaa waxoo ka dhici donaa garoonka ee kooxda katoolinaya ka dhisan ee ku dheesho Camp nou.

 Kulankan oo ah kulanka caalamka loogu daawashada badan yahay iyadoo indhaha caalamkoo dhan kusii jeesan donaan ciyaartan ayaa waxa la filayaa in ciyaar aad u adag dhex maridoonto labada koxood.

Dhinaca kooxda caaasimada kadhisan ee Real Madrid oo kulankan oo kuxiran tahay rajadeeda ee uqabaan inee utar tamaan horyaalka LaLigaha, Sababtoo ah waxa horyaalka looga hogaaminoyaa sideed dhib cood iyadoo taas usii dheertahay ayagoo ku jira kaa linta lixaad ee kala horeynta horyaalka. Marka Real Madrid waxaa qasab ee kutahay inee badshaan hadee rabaan ineesan rajadooda horyaalka ee ceel oga dhicin. Waxana jiro waraa sheegaya in Kaka lagu soo bilaabi doono iya doona tageerayasha naadiga Real Madrid ee dalbadeen in kulan axada lagu soo bilaabo Kaka iyadoo dhinacan kalana Iniesta Barca oga soo kacay dhawac oo ayaatan qabay.

Hadaba la arki donee wixi dhexmara labada kooxood. Kala soco hadaba bogaan oo kusoo gudbin doono deg deg aqbraatka ciyaarta markee ciyaarta saas udhamaato iyo goolasha la iska dhaliyey.

5 okt. 2012

Sabtida Iyo Axada oo ay jiraan kulamo aad u adag.

waxa jiro sabtida sidaan horayba usheegay kulamo aad u adag,kulamaadi waxa kujiro kulan derby London ah waxana ciyaartaas kubalansan kooxaha kala ah West Ham iyo Arsenal.
ciyaartan oo ah ciyaar ah ciyaar aad lo wada sugaayo. waxayna ciyaartan leedahay xiiso madama ay tahay ciyaar derby ah. Haddan ku bilawno fala qeynta kooxda West Ham, kooxda ayaa kasoo labatay xilli ciyaareedkan qeybta hoose ee England championdhip. Waxayna sanadkaan umuqata kooxda iney udiyaar garowday see udiidi lahayeen inee markale dib serie b ulaabtaan.Iyagoo ciyaar yahano dhowra oo qaarna  sogaten qaarna amaah kusoo qaateen kooxdana sidoo xilli ciyaareedkan u bilowday waxa laga badiyey mar kaliya ayinkoo badayey seddex kulan.
Arsenal iyada oo ay katageen xidigo wa weyn waxay umuqata ineysan uluuteen oo ay xilli ciyaareedkan ay ku bilabatay si caadi yah waxaana laga badiyey hal kulan oo kaliya waxeyna badiyeen seddex kulan ayagoona bareejo galey labo kulan. Gool dhaliyahooda  xilli ciyaareedkan ugu qatar waa Gervinho isagoo ilaa seddex gool dhaliyey xilli ciyareedkan. Ciyaartan waxay soo gali dontaa 18.30 xiliga Sweden.

                                                 

Sabtida Iyo Axada oo ay jiraan kulamo aad u adag.

Sabtida iyo axada kulamada kale ee jiro waxa kamida,kulanka la sugu la'yahay ee dhexmaridoona kooxda kadhisan magalaada London ee ku ciyaarta garoonka stamfor bridge.
Kooxda Chelsea oo ilaa hada laga badin xili ciyaareedkan iyagoo badiyey shan kulan lixdi kulan ee laciyaarey ilaa hada iyagoo bareejo galay hal kulan kaliya kooxda ee la ciyaari baan ee Norwich ee aysan badan hal kulan ilaa hada iyagoo galey bareejo seddex kulan, Iyado Chelsea sanadkan awoodeeda ay muuqato oo laga yaaban yahay iyadoo ciyaartoudii ay sanadkan ee so gateen ay si wanaag ula qabsaday kooxda inteeda, iyadoo Hazard iyo Oscar boos kahelay qeybta kowaaad ee kooxda.Iyadoo kooxda Chelsea ay kulan koodi ugu danbeeyay ay laba iyo hal oga soo badiyey kooxda ay is ku magaalada yihiin ee Arsenal, Iyadoo kooxda Norwich laga soo badiyey iyagoo lagu sool suldaaray 5-2.Ciyaaarta ayaa waxey soo gali dontaa saacadu markey tahay 16.00 xiliga Sweden.

Sabtida Iyo Axada oo ay jiraan kulamo aad u adag.

Sabtida iyo axada ayaa waxa jirob kulamo aad u adag oo la sugi la'yahay dhamaan saddex horyaal ee yurub ugu waa weyn, Iyadoo labadan beri luuqada kubada cagta loogu magac daray super weekend maxa yeelay horyaalada dhan waxa jiro kulamo aad uwadaa adag oo lasugu la'yahay.
hadaan kubilaabno horyaalka England waxa jiro kulamo adag waxana kula madaas kamida Man city vs Sunderland.
Kooxda kadhisan magaalada manchister ee ku ciyaarta garoonka etihad stadium oo weli laga badan intii oo xili ciyaareedkan bilawdan balse gashey seddex barbaraa ayaa waxey garoonkeeda ku marti galindoontaa kooxda kadhisan gobolka Newcastle ee ku ciyaarta funaanada gaduud iyo madawga oo iyadanu weli lagabadin laakiin gashey afar bareejo kuna jirta kaalinta afar iyo tobanaad.
Iyadoo kooxda Man city aysan horyaalkan ku bilaban sida loo malehayey iyadoo ciyaarteeda ee xogaa habac sanaana laga dhehanayey ayaa waxa lais weydinaa in tabaraha reer talyaani uu kusoo bilaabi nin ayaamahan ka bad baadinayey guul daroon yinka ee Edin Dzeko hadaba la arki donee sidoo tabaraha usoo kala xudsho ciyaartodiisa iyo ciyaartaba kala soco meshaan intee ciyaartan kudhamaato insha allah. Ciyaartan ayaa ah meda ugu horeesa beri waxayna soo gali dontaa 13.45 xilliga sweden.

Kooxaha Liverpool iyo Napoli oo la tumay

Ciyaar kulul oo ka tirsan koobka euro legue ayaa xalay dhex maray kooxaha Liverpool iyo Udinese.
Kulankan oo ka dhacay garoonka ee ku ciyaarto kooxda kadhisan England ee Anfield.
ciyaarta oo dar dar ku bilawday kooxda Liverpool ayaa goosha ku waad ka heshay ciyaar yahankooda dhexda oga ciyaaro ee Jonjo Shelvey kasoo madaxa ugu dhaliyey goolka.
Intaas ciyaarta waxee ku wareegtay dhinaca Udinese waxaana goolka bareejada udhaliyey ciyaaarkooda maduqobaha ee weerarka oga ciyaaro ee Di natalie waxana lagu kala nastay 1-1.

                                                Udinese vs Liverpool

Marki la isku so laabtay waxa garoonka kal kaan dar kusoo gashey kooxda reer talyaani ee Udinese iyagoo helay goolki ee hogaaanka ku qabteen kasoo oo aad oga soo shaqeyey isla halyeyga Udinesen balse oo shabaqa kuhubsaday  Pasquale, goolka seddexaadna waxa iska dhaliyey kooxda Liverpool ciyaar yahanka difaaca oga ciyaara ee Coates. Waxaa goolka labaad waxa Liverpool udhaliyey Luis Suarez oo badal kusoo galey, waxeena ciyaarta kusoo dhamaatey 2-3 oo ay kooxda reer talyaani kubadisay.   http://footyroom.com/liverpool-2-3-udinese-2012-10/.

                                  Kulamada kale ee Euro Legue

Isla ciyaar kale oo ka tarsaneed euro legue grupp f aya waxa dhex maray kooxda reer Talyaani ee Napoli iyo kooxda reer Holland ee PSV Eindhohaven, iyadoo kooxda reer Italy loo malenayey iney si sahlan kudardarin doonto PSV, ayadoo ey taas benowda oo ay taas badalkeeda Napoli la ciyaar siiyey banooni iyadoona lagala horyimid ciyaar kulul. ciyaarta ayaa kusoo dhamatey 3-0 oo looga badiyey kooxda Napoli.
               
                                                               PSV VS Napoli